HomeCaalamkaMadaxweynaha Mareykanka oo ka jawaabay codsigii uga yimid Dowladda Ukraine

Madaxweynaha Mareykanka oo ka jawaabay codsigii uga yimid Dowladda Ukraine

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii ka jawaabay codsigii Ukraine, kadib markii uu saxiixay $800 milyan oo gargaar ah oo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo hub iyo qalabka difaaca ah, taas oo dhaca kale ka hooseysa codsigii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ee ahaa in hawada Ukraine laga dhigo aagga duulimaadka ka caaggan. Laakiin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Arbacadii ka jawaabay codsigii Ukraine, kadib markii uu saxiixay $800 milyan oo gargaar ah oo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo hub iyo qalabka difaaca ah, taas oo dhaca kale ka hooseysa codsigii Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ee ahaa in hawada Ukraine laga dhigo aagga duulimaadka ka caaggan.

Laakiin Biden, wuxuu sidoo kale kor u qaaday heerkulka dagaalka afka ah ee u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

- Advertisement -

Afhayeenka Ruushka Dmitry Peskov ayaa isaga oo ka jawaabayay hadalka Biden u sheegay wakaaladda wararka ee TASS in hadalka Biden inuu yahay “mid aan la aqbali karin oo aan la cafin karin.”

Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Jen Psaki ayaa, markii faahfaahinta hadalka Biden la weydiiyay tiri “Wuxuu ka hadlayay qalbigiisa oo wuxuu ka hadlayay waxaad ka daawateen talefishinnada, taas oo ah falal wuxuushnimo ah oo kaligii taliye naxariis daran uu ku soo duulay dal shisheeye.”

Putin ayaa saddex toddobaad kahor billaabay duullaankii Ukraine. Ciidamadiisu waxay garaaceen isbitaallo, dugsiyo iyo guryo, waxaana madaxweynaha Ukriane Zelenskyy uu sheegay in ilaa 100 caruur ah lagu dilay weerarkaas oo ahaa mid ballaaran.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts