HomeCaalamkaQM oo 15 March u astaysay Maalinta Caalamiga ee la-dagaalanka Islaam Naceybka

QM oo 15 March u astaysay Maalinta Caalamiga ee la-dagaalanka Islaam Naceybka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Golaha Guud ee QM ayaa Talaadadii ansixisay qaraar aas-aasaya in 15-ka March ay noqoto Maalinta Caalamiga ee la-dagaalanka Islaam Naceybka. Qaraaarkan, oo ay isku raaceen 193-ka xubnood ee QM, islamarkaana ay soo jeediyeen 55 dal oo badankood Muslim ah, ayaa adkeynaya xuquuqda xoriyadda diinta iyo rumeynta. Wuxuu sidoo kale dib usoo nooleynayaa qaraarkii 1981-kii ee […]

- Advertisement -

Golaha Guud ee QM ayaa Talaadadii ansixisay qaraar aas-aasaya in 15-ka March ay noqoto Maalinta Caalamiga ee la-dagaalanka Islaam Naceybka.

Qaraaarkan, oo ay isku raaceen 193-ka xubnood ee QM, islamarkaana ay soo jeediyeen 55 dal oo badankood Muslim ah, ayaa adkeynaya xuquuqda xoriyadda diinta iyo rumeynta.

- Advertisement -

Wuxuu sidoo kale dib usoo nooleynayaa qaraarkii 1981-kii ee ku baaqaya “baabi’inta dhammaan nooc kasta oo ah dulqaad la’aan iyo takoor ku saleysan diinta iyo waxa uu qofku aaminsan yahay.”

Qaraarka ayaa walaac xooggan ka muujiyey “sare u kaca xaaladaha takoorka dulqaad la’aanta iyo rabshadaha, ciddii doonta ha gaysatee, ee ka dhanka ah dadka aaminsan diimo dhowr ah, oo ay ku jiraan kiisaska ka dhashay Islaam naceybka, Yahuud naceybka, Kirishtan naceybka iyo naceyb kasta oo ka dhan ah qof aaminsan diin kale.”

Qaraarka ayaa weydiisanaya dhammaan dalalka, hay’adaha QM, ururadada caalamiga ah iyo kuwa goboleed, bulshada rayidka, shirkadaha gaarka loo leeyahya iyo urur diimeedyada “inay abaabulaan munaasabado ujeedkoodu yahay sare u qaadidda wacyiga lagu xakameynayo Islaam Naceybka” ayna u adeegsadaan Maalinta Caalamiga ah ee cusub inay kula dagaalaan Islaam Naceybka.

Latest stories