HomeCaalamkaQM oo 15 March u astaysay Maalinta Caalamiga ee la-dagaalanka Islaam Naceybka

QM oo 15 March u astaysay Maalinta Caalamiga ee la-dagaalanka Islaam Naceybka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Golaha Guud ee QM ayaa Talaadadii ansixisay qaraar aas-aasaya in 15-ka March ay noqoto Maalinta Caalamiga ee la-dagaalanka Islaam Naceybka. Qaraaarkan, oo ay isku raaceen 193-ka xubnood ee QM, islamarkaana ay soo jeediyeen 55 dal oo badankood Muslim ah, ayaa adkeynaya xuquuqda xoriyadda diinta iyo rumeynta. Wuxuu sidoo kale dib usoo nooleynayaa qaraarkii 1981-kii ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Guud ee QM ayaa Talaadadii ansixisay qaraar aas-aasaya in 15-ka March ay noqoto Maalinta Caalamiga ee la-dagaalanka Islaam Naceybka.

Qaraaarkan, oo ay isku raaceen 193-ka xubnood ee QM, islamarkaana ay soo jeediyeen 55 dal oo badankood Muslim ah, ayaa adkeynaya xuquuqda xoriyadda diinta iyo rumeynta.

- Advertisement -

Wuxuu sidoo kale dib usoo nooleynayaa qaraarkii 1981-kii ee ku baaqaya “baabi’inta dhammaan nooc kasta oo ah dulqaad la’aan iyo takoor ku saleysan diinta iyo waxa uu qofku aaminsan yahay.”

Qaraarka ayaa walaac xooggan ka muujiyey “sare u kaca xaaladaha takoorka dulqaad la’aanta iyo rabshadaha, ciddii doonta ha gaysatee, ee ka dhanka ah dadka aaminsan diimo dhowr ah, oo ay ku jiraan kiisaska ka dhashay Islaam naceybka, Yahuud naceybka, Kirishtan naceybka iyo naceyb kasta oo ka dhan ah qof aaminsan diin kale.”

Qaraarka ayaa weydiisanaya dhammaan dalalka, hay’adaha QM, ururadada caalamiga ah iyo kuwa goboleed, bulshada rayidka, shirkadaha gaarka loo leeyahya iyo urur diimeedyada “inay abaabulaan munaasabado ujeedkoodu yahay sare u qaadidda wacyiga lagu xakameynayo Islaam Naceybka” ayna u adeegsadaan Maalinta Caalamiga ah ee cusub inay kula dagaalaan Islaam Naceybka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts