HomeCaalamkaMadaxweynaha Suuriya oo sanado badan kadib safarkii ugu horreeyay ku tegay Dal...

Madaxweynaha Suuriya oo sanado badan kadib safarkii ugu horreeyay ku tegay Dal Carbeed

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Asad ayaa booqasho ku tegay Isutagga Imaaraadka Carabta, safarkaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee dal Carbeed uu ku gaaro tan iyo 2011 oo uu bilowday dagaalka sokeeye ee dalkiisa. Booqashada ayaa muujinaysa sida ay isugu soo dhawaadeen Abu Dhabi iyo Dimishiq, iyadoo sanado ka hor ay Imaaraadka taageeri jireen xooggaga doonaya […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Suuriya, Bashar Al-Asad ayaa booqasho ku tegay Isutagga Imaaraadka Carabta, safarkaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee dal Carbeed uu ku gaaro tan iyo 2011 oo uu bilowday dagaalka sokeeye ee dalkiisa.

Booqashada ayaa muujinaysa sida ay isugu soo dhawaadeen Abu Dhabi iyo Dimishiq, iyadoo sanado ka hor ay Imaaraadka taageeri jireen xooggaga doonaya inay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Asad.

- Advertisement -

Waxa uu la kulmay dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan oo sheegay in Suuriya ay muhiim u tahay amniga Carabta, dalkiisana uu doonayo inuu xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya xukuumadda Dimishiq, sida ay sheegtay wakalaadda wararka ee dowladda Imaaraadka, WAM.

Intii uu socday dagaalka Suuriya, Madaxweyne Bashar al-Asad ayaa safarro dibedda ah ku aadday dalalka Iran iyo Ruushka, kuwaas oo kaalmadooda milateri ay waxbadan u tartay ninkan mar qarka u saarnaa in laga qabsado caasimadda.

Wakaaladda WAM ayaa sheegtay in labada dhinac ay isla meel dhigeeen “ilaalinta midnimada dhuleed ee Suuriya iyo in ciidamada shisheeye ay ka baxaan waddankaas.”

Latest stories