HomeWararSomaliland oo baadi goob ugu jirta Sheikh looga shakiyay in uu ku...

Somaliland oo baadi goob ugu jirta Sheikh looga shakiyay in uu ku biiray Al-Shabaab

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in sheekha caanka ah ee Sheekh Aadan Sunne uu ka baxsaday Somaliland islamarkana uu aaday dhanka koonfurta Soomaaliya. Wasiirku ku-xigeenka Ammaanka ee Somaliland Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo BBC la hadlay ayaa sheegay in wali ay wadaan baaritaanada la xiriira baxsashada sheekhani. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Sheekhu uu dhammaan qoyskiisii […]

- Advertisement -

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in sheekha caanka ah ee Sheekh Aadan Sunne uu ka baxsaday Somaliland islamarkana uu aaday dhanka koonfurta Soomaaliya.

Wasiirku ku-xigeenka Ammaanka ee Somaliland Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo BBC la hadlay ayaa sheegay in wali ay wadaan baaritaanada la xiriira baxsashada sheekhani.

- Advertisement -

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Sheekhu uu dhammaan qoyskiisii soo rarartay sidoo kalena aysan ilaa iyo hadda meel ku sheegin, balse ay baadi goob ugu jiraan.

“Warka aan heyno wuxuu inoo sheegayaa in niman ay saaxibo yihiin oo koonfurta jooga oo berigii horeba lagu xaman jiray in uu afhayeen u yahay uu u tegay..wararka nasoo garaaya waxay sheegayaan in uu ku sugan yahay gobolka Jubada Dhexe” ayuu yiri Cabdillaahi Xuseen.

Sidoo kale Wasiirku ku-xigeenka Ammaanka ee Somaliland Cabdilaahi Xuseen Maxamed ayaa intaa ku daray in ay kaga shakisan yihiin in uu ku biiray dagaalamayaasha Al-Shabaab,inkastoo aysan hubin sida uu sheegay.

- Advertisement -

Sheekha ayaa horay baaritaanno ay ku sameysay Somaliland, waxaana dhowr mar xabsiga dhigay Booliska, iyadoo damaanad lagu sii daayay.

Latest stories