HomeCaalamkaRuushka oo bur-buriyay warshaddii nukliyeerka Ukraine

Ruushka oo bur-buriyay warshaddii nukliyeerka Ukraine

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Ciidamada Ruushka ayaa burburiyay xargihii korontada ee isku xirayay warshaddii hore ee Nukliyeerka ee Chernobyl iyo xarunta korontadda ee aaggaas, sida ay sheegtay shirkadda tamarta ee Ukraine. Buburkan ayaa imaanaya xilli dhawaan dib loo soo celiyay adeegyadii korontada ee warshadda quwadda nukliyeerka Ukraine balse BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto warkan. Shirkadda tamarta ee dowladda […]

- Advertisement -

Ciidamada Ruushka ayaa burburiyay xargihii korontada ee isku xirayay warshaddii hore ee Nukliyeerka ee Chernobyl iyo xarunta korontadda ee aaggaas, sida ay sheegtay shirkadda tamarta ee Ukraine.

Buburkan ayaa imaanaya xilli dhawaan dib loo soo celiyay adeegyadii korontada ee warshadda quwadda nukliyeerka Ukraine balse BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto warkan.

- Advertisement -

Shirkadda tamarta ee dowladda Ukraine kama aysan hadlin in gebi ahaanba warshadda Nukliyeerka uu ka maqan yahay korontada ama in kale.

Shirkadda maamusha adeegga korontada ayaa codsatay in injineerada loo ogolaado inay galaan goobta si ay qiimeyn ugu sameeyaan burburka.

Waqooyi galbeed magaalada Mariupol, Ruushka ayaa dhawaan qabsaday warshadda dhalisa quwadda korontada ee Zaporizhzhia. Marka ay warshaddaas shaqaynayso waxa ay soo saartaa ku dhawaad 20% korontada Ukraine, marka in Ruushka ay gacanta u gasho ayaa waxa ay ka dhigantahay inuu maamulayo quwad badan oo koronto oo ay Ukraine ay leedahay.

Latest stories