HomeCaalamkaRuushka oo qorsheynaya inuu Hub kiimiko ah u adeegsado Dagaalka uu kula...

Ruushka oo qorsheynaya inuu Hub kiimiko ah u adeegsado Dagaalka uu kula jiro Ukraine

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ruushka wuxuu damacsan yahay inuu Ukraine u adeegsado hub kiimiko ama mid biological ah, waana in aan “arrintaas u toog hayno” ayuu sheegay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka. Xoghayaha warfaafinta, Jen Psaki, ayaa tilmaantay in Ruushka uu mararsiyo ka dhigan rabo war been ah oo uu ku sheegay in Maraykanka uu Ukraine ku leeyahay […]

- Advertisement -

Ruushka wuxuu damacsan yahay inuu Ukraine u adeegsado hub kiimiko ama mid biological ah, waana in aan “arrintaas u toog hayno” ayuu sheegay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Xoghayaha warfaafinta, Jen Psaki, ayaa tilmaantay in Ruushka uu mararsiyo ka dhigan rabo war been ah oo uu ku sheegay in Maraykanka uu Ukraine ku leeyahay xarumo lagu farsameeyo hub khatar ah.

- Advertisement -

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Galbeedka ay sheegeen inay “aad uga walaacsan yihiin” in dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine uu yeesho weji cusub.

Waxa ay walaac gaar ah ka muujiyeen suuragalnimada ah in Ruushka uu dagaalka u adeegsado hubka mamnuuca ah ee khatarta badan. Hubkaas ayaa noqon kara kan kiimikada, nukliyeerka sida xeeladeysan loogu dagaallamo, hubka biological-ka iyo bamvooyinka halista badan ee loo yaqaano dirty bombs.

Waxa ay sheegeen in walaacooda qeyb ahaan uu ku salaysan yahay waxa ciidamada Ruushka ay ka sameeyeen dalalka kale ee ay ka dagaallameen sida Suuriya, oo xooggaga xulafada la ah ay adeegsadeen hub kiimiko ah.

Latest stories