HomeWararTaliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socota doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhowr Xildhibaan ayaa lagu doortay howlka ay ka socoto doorashada Golaha Shacabka ee Baydhabo, waxaana xubnaha la doortay Maanta kamid ah Maxamed Sheekh Cabdullaahi Ciirow […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socota doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhowr Xildhibaan ayaa lagu doortay howlka ay ka socoto doorashada Golaha Shacabka ee Baydhabo, waxaana xubnaha la doortay Maanta kamid ah Maxamed Sheekh Cabdullaahi Ciirow oo ah Taliyaha qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka.

- Advertisement -

Taliye Maxamed Ciirow  ayaa kusoo baxay kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay #HOP077, waxaana doorashada kula taramay Musharax Cabdinaasir Cali Xasan, isla markaana waxaa uu Maxamed Sheekh helay Codad gaaraya 83-cod.

Musharaxii la tarmayey Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee Cabdinaasir Cali Xasan ayaa isna waxaa uu helay 13-cod, 1 cod ayaa halaabay, iyadoona kursigaas #HOP077 uu horey ugu fadhiyey Isgoowe Deeqow Isaaq.

Doorashada kuraas kale ayaa ka socota Magaalada Baydhabo, waxaana Maanta oo Arbaco ah lagu dooran doonaa Magaaladaas Lix Xildhibaan oo kamid noqonaya Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aa ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts