HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo saaka xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Sarkaalka lagu toogtay xaafadda Laabeeriya ee degmada Waaberi, xili uu ku sugnaa goob lagu shaaho oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo saaka xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Sarkaalka lagu toogtay xaafadda Laabeeriya ee degmada Waaberi, xili uu ku sugnaa goob lagu shaaho oo ku taalla halkaas, isagoo u geeriyooday rasaas qeybaha sare ee jirka looga dhuftay.

- Advertisement -

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cilmi Xaaji Leged, waxaana la sheegay inuu  kamid ahaa Saraakiisha canshuuraha qaabilsan ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoona goobta markii dambe ay ka baxsadeen dadkii ka dambeeyay falkaas.

Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida caadada aheyd tegay goobta uu dilka ka dhacay, isla markaana ka qaaday Meydka Marxuumka, ayna Ciidamada ay isaga tageen markii ay qaateen Meydka halkaas.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ka dhacayay dilla loo geysanayo dad shacab ah iyo shaqaalo ka tirsan dowladda, inta badan dilalka qorsheysan iyo weerarada ka dhaca Caasimadda ayaa waxaa sheegta Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts