HomeWararDab khasaaro geystay oo ka kacay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan...

Dab khasaaro geystay oo ka kacay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Dabkaan oo geystay khasaaro hantiyadeed oo farabadan ayaa waxaa uu ka kacay Guri ku yaalla xaafadda howlwadaag ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Qaar kamid ah dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay ku warrameen in dabka uu ahaa mid xoogan oo daqiiqado dhowr […]

- Advertisement -

Dabkaan oo geystay khasaaro hantiyadeed oo farabadan ayaa waxaa uu ka kacay Guri ku yaalla xaafadda howlwadaag ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Qaar kamid ah dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay ku warrameen in dabka uu ahaa mid xoogan oo daqiiqado dhowr ah socday, isal markaana uu ka kacay Guri ay deganaayeen dad shacab ah, balse markii dambe lagu guuleystay deminta dabka.

- Advertisement -

Dabka ayaa waxaa uu baabi’iyey dhismaha Gurigii uu ka kacay ee ku yaallay xaafadda howlwadaag ee Magaalada Baladweyne, waxaana Guriga laga bixiyey oo ku sugnaa Carruur yaryar, mana jiro khasaaro nafeed oo ka dhashay dabkaas kacay.

Dadka deriska la ah Guriga uu dabka ka kacay ayaa waxaa ay sheegeen in uu dabka ka bilowday Koronto ku jirtay Guriga,  isla markaana uu baabi’iyay gurigaas oo ka dhisnaa Jiingad, ayna ku noolaayeen qoysas deganaa.

Sawirro laga soo qaaday guriga ayaa muujinayey baaxada uu lahaa dabka ka kacay, waxaana gurmadkii lagu demiyey dabka ka qeyb qaatay dadka deegaanka xaafadda howlwadaag ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Latest stories