HomeWararJabuuti oo Xabsiga dhigtay Mas’uuliyiin lacago ku lunsaday heshiis khiyaano ah

Jabuuti oo Xabsiga dhigtay Mas’uuliyiin lacago ku lunsaday heshiis khiyaano ah

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag balaayin franc ah lagu lunsaday heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo ganacsato. Warbixin uu soo saaray xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay “in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka […]

- Advertisement -

Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag balaayin franc ah lagu lunsaday heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo ganacsato.

Warbixin uu soo saaray xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay “in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka dowladda ayada oo cadad aad u ballaran ku bixineysa adeegyo u muuqdo kuwa la been abuur ah oo aan jirin.”

- Advertisement -

Warbixinta ayaa lagu sheegay in lacagtan lagu lunsaday qalab iyo alaabo aan loo baahneyn oo si soo noqnoqsho leh looga dalbay shirkad, taasi oo lagu sheegay in dib u dhis loogu sameynayo dhismaha wasaaradda, iyo qalabyo kale oo ay ka mid yihiin kuwa xafiisyada, computero iyo agab kale, oo qiimahoodu gaarayo balaayiin franc.”

Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in la xiray laba mas’uul oo ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo wasiir hore.

Waxa uu sidoo kale sheegay in la xiray qaar ka mid ah ganacsatada ku lugta laheyd lunsashada iyo xubno kale oo baaritaanka uu soo galay.

- Advertisement -

Sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha, baaritaanka ayaa xaqiijiyey inuu jiray heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray qaar ka mid ah ganacsatada iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda, kaasi oo lagu lunsaday balaayin franc oo hantida qaranka ah.

Xeer-ilaaliyaha ayaa intaas ku daray in dhowr ka mid ah ganacsatada ay qirteen eedaha loo jeediyey islamarkaana ay soo celiyeen qaar ka mid ah lacagtii ay sida sharci-darrada ah u qaateen.

Baaritaanka ayaa sii socon doona, sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha islamarkaana dadka ku lugta leh loo gudbin doono xafiiska dacwad oogaha guud, si cadaaladda loo mariyo.

Dadka la xiray iyo dhammaan kuwa la eedeeyey ayaan si deg deg ah looga helin karin jawaab ku aadan eedda loo jeediyey.

Latest stories