HomeWararMuwaadiniin Afrikaan ah oo looga digay inay ku biiraan dagaalka Ruushka iyo...

Muwaadiniin Afrikaan ah oo looga digay inay ku biiraan dagaalka Ruushka iyo Ukraine?

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in muwaadiniinteeda la diiwaan geliyo si ay uga dagaalamaan Ukraine halkaas oo ciidamada Ruushka ay duqaymo ka wadaan magaalooyinka waaweyn. Arrintan waxay daba socotaa warbixino sheegaya in la qorayo tabaruceyaal reer Nigeria ah si ay uga soo dagaalamaan dalka Ukraine. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Nigeria ayaa sheegtay […]

- Advertisement -

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in muwaadiniinteeda la diiwaan geliyo si ay uga dagaalamaan Ukraine halkaas oo ciidamada Ruushka ay duqaymo ka wadaan magaalooyinka waaweyn.

Arrintan waxay daba socotaa warbixino sheegaya in la qorayo tabaruceyaal reer Nigeria ah si ay uga soo dagaalamaan dalka Ukraine.

- Advertisement -

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Nigeria ayaa sheegtay in safaaradda Ukraine ay beenisay inay wax door ah ku leedahay howsha lagu eedeeyay.

Balse safaaradda ayaa xaqiijisay in tiro ka mid ah dadka Nigeria ay la soo xiriireen taasoo muujineysa inay rabaan inay ku biiraan dagaalka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda.

Safaaradda ayaa sidoo kale iska fogeysay sheegashada ah inay ka codsaneyso $1,000 qof kasta oo Nigeria oo doonaya in uu Ukraine aado si loo siiyo tigidh diyaaradeed iyo dal-kugalka.

- Advertisement -

Waxay ku soo beegantay maalmo ka dib markii Senegal ay ka digtay iskaa wax u qabso isku qoraya inay la dagaalamaan Ruushka ee Ukraine.

Latest stories