HomeWararDhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Magaalada Baladweyne

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal ka dhacay Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaaro gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, xili doorasho ay ka socoto Magaaladaasi. Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo Ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada Magaalada Baladweyne iyo Ciidamo kale oo malleyshiyaad ah, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada Malleyshiyaadka ah […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal khasaaro gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, xili doorasho ay ka socoto Magaaladaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo Ciidamada ilaalada ka ah Madaxtooyada Magaalada Baladweyne iyo Ciidamo kale oo malleyshiyaad ah, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in Ciidamada Malleyshiyaadka ah ay ka caraysan yihiin kursi ka mid ah Golaha shacabka oo sida la sheegay loo xiray shaqsi.

- Advertisement -

Kursiga Hope010 ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay  xiisaddu, waxaana dagaalku uu ka dhacay sida wararka aynu ku helnay afafka hore ee Xarunta looga arrimiyo maamulka Gobolka Hiiraan.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in dagaalkaasi ay ku dhintay hal Askarui, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Lama xaqiijin khasaaraha kale eek a dhashay dagaalka,waxaana dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in dagaalku uu ahaa mid xooggan, oo ay macquul tahay in dagaalku intaa ka khasaro badan yahay.

- Advertisement -

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo hay adaha ammaanka wax war ah kama soo saarin dagaalka, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in hadda xaaladdu deggan tahay.

Latest stories