HomeWararWasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Shiinaha oo wada hadal yeeshay

Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Shiinaha oo wada hadal yeeshay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha Mudane Wang Yi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ku qotoma ixtiraamka iyo ilaalinta qarannimada, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee labada dowladood. Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha Mudane Wang Yi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ku qotoma ixtiraamka iyo ilaalinta qarannimada, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee labada dowladood.

Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyo sidii Labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bini-aadannimada, horumarinta, ganacsiga iyo dhaqaalaha, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada Shacab ee saaxiibbada ah.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa uga mahad celiyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dheef wadaagga ah ee kala dhexeeya Shiinaha.

Latest stories