HomeWararGuudlaawe oo War kasoo saaray Dagaalkii uu ku dhintay Taliyihii Saldhiga Booliska...

Guudlaawe oo War kasoo saaray Dagaalkii uu ku dhintay Taliyihii Saldhiga Booliska Baladweyne

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Marxuum Lxle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage). Madaxweynaha ayaa sheegay inaan la aqbali karin shaqaaqadii maanta ka dhacday Saldhiga Magaalada, waxa uuna faray Taliska Ciidanka Booliska Hirshabeelle inay soo cadeeyaan falka uu ku dhintay Taliyihii Saldhiga Magaalada Beledweyne. Madaxweyne Cali […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Marxuum Lxle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage).

Madaxweynaha ayaa sheegay inaan la aqbali karin shaqaaqadii maanta ka dhacday Saldhiga Magaalada, waxa uuna faray Taliska Ciidanka Booliska Hirshabeelle inay soo cadeeyaan falka uu ku dhintay Taliyihii Saldhiga Magaalada Beledweyne.

- Advertisement -

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa u tacsiyeeyay qoyska  qaraabada iyo guud ahaan Ciidanka Booliska ee uu ka baxay marxuumka, waxa uuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Lxle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage) ayaa ku dhintay dagaal saakay Ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran iyo kuwa Booliska Maamulka ku dhexmaray Saldhhiga Booliska Magaaladaas.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, sida ay dad la hadlay Idaacadda Dalsan u sheegeen, kadib markii Saldhiga Booliska Beledweyne lagu xiray Boqolaal ruux oo lagu soo qabtay Howlgalo xalay ilaa saaka laga sameeyey Xaafada Buunda-weyn.

Latest stories