HomeWararGuudlaawe oo War kasoo saaray Dagaalkii uu ku dhintay Taliyihii Saldhiga Booliska...

Guudlaawe oo War kasoo saaray Dagaalkii uu ku dhintay Taliyihii Saldhiga Booliska Baladweyne

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Marxuum Lxle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage). Madaxweynaha ayaa sheegay inaan la aqbali karin shaqaaqadii maanta ka dhacday Saldhiga Magaalada, waxa uuna faray Taliska Ciidanka Booliska Hirshabeelle inay soo cadeeyaan falka uu ku dhintay Taliyihii Saldhiga Magaalada Beledweyne. Madaxweyne Cali […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Marxuum Lxle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage).

Madaxweynaha ayaa sheegay inaan la aqbali karin shaqaaqadii maanta ka dhacday Saldhiga Magaalada, waxa uuna faray Taliska Ciidanka Booliska Hirshabeelle inay soo cadeeyaan falka uu ku dhintay Taliyihii Saldhiga Magaalada Beledweyne.

- Advertisement -

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa u tacsiyeeyay qoyska  qaraabada iyo guud ahaan Ciidanka Booliska ee uu ka baxay marxuumka, waxa uuna Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Lxle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage) ayaa ku dhintay dagaal saakay Ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran iyo kuwa Booliska Maamulka ku dhexmaray Saldhhiga Booliska Magaaladaas.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, sida ay dad la hadlay Idaacadda Dalsan u sheegeen, kadib markii Saldhiga Booliska Beledweyne lagu xiray Boqolaal ruux oo lagu soo qabtay Howlgalo xalay ilaa saaka laga sameeyey Xaafada Buunda-weyn.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts