HomeCaalamkaNin lagu eedeeyay inuu gubay bogag ka mid ah Qur'aanka Kariimka oo...

Nin lagu eedeeyay inuu gubay bogag ka mid ah Qur’aanka Kariimka oo la dilay

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Kooxo hubeysan ayaa bartamaha Pakistan ku dilay nin lagu eedeeyay inuu gubay bogag ka mid ah Quraanka Kariimka, sida ay booliisku sheegeen, waa kiiskii ugu dambeeyay ee rabshado aflagaado ah oo ka dhacay dalkaasi. Booliska ayaa sheegay in in ka badan 80 qof loo xiray dilka Sabtidii ka dhacay degmada Khanewal ee gobolka Punjab. Wararka […]

- Advertisement -

Kooxo hubeysan ayaa bartamaha Pakistan ku dilay nin lagu eedeeyay inuu gubay bogag ka mid ah Quraanka Kariimka, sida ay booliisku sheegeen, waa kiiskii ugu dambeeyay ee rabshado aflagaado ah oo ka dhacay dalkaasi.

Booliska ayaa sheegay in in ka badan 80 qof loo xiray dilka Sabtidii ka dhacay degmada Khanewal ee gobolka Punjab.

- Advertisement -

Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu ku jiray gacanta booliska ka hor inta aysan dad badan ka kala bixin gacantooda. Meydkiisa ayaa lagu wareejiyay qoyskiisa, waxaana aas loo sameeyay Axadii.

Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in kiiskan “loo cuskan doono sharciga” wuxuuna codsaday in warbixin laga siiyo saraakiisha booliiska ee lagu eedeeyay inay ku guul-darreysteen waajibaadkoodii ahaa badbaadinta ninkaas. Waxa uu sheegay in dowladdiisu, aysan “wax dulqaad ah u lahayn qof kasta oo sharciga gacmihiisa ku qaata”.

Munawar Husseen oo ka mid ah saraakiisha booliiska ayaa sheegay in ciidamada ay u yimaadeen sidii ay u heli lahaayeen ninkan oo la sheegay in da’diisa lagu sheegay 40-sano jir, isagoo miyir daboolan oo geed ku xiran.

- Advertisement -

Khanewal waxay ku taal meel 275 kilomitir u jirta Lahore. “Dadka tuulada oo ku hubaysnaa budad, faashash iyo biro ayaa dilay, maydkiisana waxay ka soo laalaadiyeen geed,” ayuu Xuseen oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Latest stories