HomeCaalamkaMacalin Karbaash ku diley ilmo yar oo xabsiga la dhigay

Macalin Karbaash ku diley ilmo yar oo xabsiga la dhigay

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Macaln iskuul, ayaa lagu xirey dalka Nigeria, kadib markii lagu eedeeyey inuu karbaashey ardey 19 bilood jir ah, sida ay booliisku sheegeen. Macallinka ayaa wax ka dhiga dugsi xannaano, iyo hoose iyo dhexeba, oo ku yaalla magaalada Asaba ee gobolka Delta. Macalinka ayaa lagu eedeeyey in uu dhowr calaamadood u yeelay jirka ilmaha socod baradka […]

- Advertisement -

Macaln iskuul, ayaa lagu xirey dalka Nigeria, kadib markii lagu eedeeyey inuu karbaashey ardey 19 bilood jir ah, sida ay booliisku sheegeen.

Macallinka ayaa wax ka dhiga dugsi xannaano, iyo hoose iyo dhexeba, oo ku yaalla magaalada Asaba ee gobolka Delta.

- Advertisement -

Macalinka ayaa lagu eedeeyey in uu dhowr calaamadood u yeelay jirka ilmaha socod baradka ah, kadib markii uu karbaashay Isniintii lasoo dhaafey.

Eedeysanaha oo loo maleynayo inuu dhalay milkiilaha Iskuulka gaarka loo leeyahay, ayaa la sheegay inuu garaacay ilmaha yar ee ardeyga ah, kadib markii uu ku qabtay isagoo ku cayaarayo biyo. Ma uusan kahadlin qadiyaddan mulkiilaha iskuulka.

Ardeyga ayaa la sheegay inuu xanuunsadey, kadib markii uu falkaasi dhacey, waxaana loo qaadey xarunta caafimaadka federaalka ee magaalada Asaba, halkaasi oo uu ugu danbeyntii ku geeriyooday.

- Advertisement -

Afhayeenka booliiska, Dafe Bright, ayaa BBC-da Bidgin u sheegay in tuhmanaha lagu soo ooggi doono dacwad dil.

Latest stories