HomeWararHowlwadeenno Tababar aas-aasi ah loogu soo xiray Muqdisho

Howlwadeenno Tababar aas-aasi ah loogu soo xiray Muqdisho

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah ugu soo xiray Caasimadda Muqdisho tababbar aasaasi ah oo diblomaasiyadeed 34 shaqaale dowladeed. Tababbarka oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda ayaa soconayay intii u dhexeysay 5-27 January, laguna qaadanayay casharro aasaasi ah oo diblomaasiyadda iyo habmaamuuska la xiriira sida uu xaqiijiyay […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah ugu soo xiray Caasimadda Muqdisho tababbar aasaasi ah oo diblomaasiyadeed 34 shaqaale dowladeed.

Tababbarka oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda ayaa soconayay intii u dhexeysay 5-27 January, laguna qaadanayay casharro aasaasi ah oo diblomaasiyadda iyo habmaamuuska la xiriira sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Machadka Mudane Cabdiweli Xasan Xuseen (Fadiilatahu) oo carabaabay rajadiisa in Machadku u qabto tababbaro kala duwan dhammaan diblomaasiyiinta Soomaaliyeed si loo horumariyo shaqada, looguna diyaariyo aqoon ahaan si ay u hagaagto howl-gudashadooda iyo ka soo dhalaalidda waajibaadka iyo mas’uuliyadaha loo igmaday si looga dhabeeyo ujeedka la hiigsanayo.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ka hadlayay xafladda ayaa caddeeyay in Machadku u diyaar yahay tababbaridda iyo bixinta koorsooyin ku habboon oo lagu daboolayo baahiyaha waxbarasho ee diblomaasiyadda Soomaaliya si kor loogu qaado heerka adeegga.

Xafladda xiritaanka tababbarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos), Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Latest stories