HomeWararMadaxweyne Guudlaawe oo Amray in lasoo qabto dadkii dilay Nabaddoon Caan ahaa

Madaxweyne Guudlaawe oo Amray in lasoo qabto dadkii dilay Nabaddoon Caan ahaa

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay xaafadda Buundaweyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dilay Nabaddoon caan ka ahaa Gobolkaas oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xuseen Coloow, isagoo u dhintay rasaas badan oo lagu furay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaha u naxariistee Nabadoon […]

- Advertisement -

Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay xaafadda Buundaweyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dilay Nabaddoon caan ka ahaa Gobolkaas oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xuseen Coloow, isagoo u dhintay rasaas badan oo lagu furay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo kamid ahaa nabadoonada ugu caansan Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa wuxuu si gaar ah tacsi ugu diray qoyska ehelka iyo qaraabada uu ka baxay nabadoon Cabdi Xuseen, waxa uuna Madaxweynaha Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo Marxuumka.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa faray Laamaha Amniga inay gacanta kusoo dhigaan cidii ka dambaysay falkaas, degdegna uga shaqeeyaan xasilinta Amniga Magaalada Beledweyne.

Dableydii dishay Nabaddoon Cabdi Xuseen Coloow ayaa goobta uu falku ka dhacay ka baxsatay, waxaana falkaas khaarijinta ah uu kusoo aaday, iyada uu Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan uu ku sugan yahay Madaxweyne Guudlaawe.

Latest stories