HomeWararFaah faahin: Weerar khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Masjid ku yaalla Degmada...

Faah faahin: Weerar khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Masjid ku yaalla Degmada Afgooye

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dabley hubeysan oo xalay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ka geysatay gudaha Masaajid ku yaalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in weerarka uu ka dhex dhacay Masjidka Raqayle ee degmada Afgooye, xili lagu dilay Salaadii Cishaha ee […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dabley hubeysan oo xalay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ka geysatay gudaha Masaajid ku yaalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in weerarka uu ka dhex dhacay Masjidka Raqayle ee degmada Afgooye, xili lagu dilay Salaadii Cishaha ee xalay, isla markaana waxaa goobta durbadii ka baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday weerarka, halka saddex qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana la sheegay in qofka dhintay la toogtay, xili la wada Sujuud-sanyahay oo lagu jiray Salaadii Cishaha.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho oo la dhigay mid kamid ah Isbitaalka ku yaalla Caasimadda, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibiyo, waxaana sidaas u sheegay warbaahinta qof ku sugan Afgooye.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka degmada ayaa xalay ilaa iyo saaka wada howlgalo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay weerarkii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay Masjidka Raqayle ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Si kastaba Afgooye ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo geysteen rag hubeysan, waxaana falalkaas lagu fuliyay dad isugu jiray Mas’uuliyiin, Ergo wax soo doortay, Askar Ciidan iyo dad kale, iyadoona dilalka ay sheegteen Al-shabaab.

Latest stories