HomeWararDalsan Media Group iyo Barnaamijka horumarinta QM ee UNDP oo fursad shaqo...

Dalsan Media Group iyo Barnaamijka horumarinta QM ee UNDP oo fursad shaqo usoo Bandhigay Haweenka Saxafiyiinta

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Dalsan Media Group iyo Barnaamijka horumarinta QM ee UNDP waxa ay ku faraxsan yihiin in ay ka wadashaqeynayaan horumarinta haweenka saxaafadda ku jira ama ku soo biiraya. Haweenka saxafiyiinta ahow! Ku soo biir qeybtii ugu horreysay oo warbaahineed oo ay ka hawl-galaan misna ay maamulaan saxafiyiin haween ah. Nagu caawi si aan u soo saarno […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dalsan Media Group iyo Barnaamijka horumarinta QM ee UNDP waxa ay ku faraxsan yihiin in ay ka wadashaqeynayaan horumarinta haweenka saxaafadda ku jira ama ku soo biiraya.

Haweenka saxafiyiinta ahow!

- Advertisement -

Ku soo biir qeybtii ugu horreysay oo warbaahineed oo ay ka hawl-galaan misna ay maamulaan saxafiyiin haween ah.

Nagu caawi si aan u soo saarno oo aan u hormarinno haween wariyeyaal ah sidoo kale na aan sare u qaadno heerarka saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaan u baahannahay haween ku cusub mihnadda saxaafadda iyo kuwo hadda ka shaqeeya TV-yada, Raadiyeyaasha iyo warbaahinta la daabaco. Haddii aad leedahay xirfad oo aad heyso fikrado sidoo kale na ay kaa go’antahay in aad ka shaqeyso warbaahin aad loogu baahi qabo, waxaan jeclaan laheyn in aan helno codsigaaga.

- Advertisement -

Waxaa lagaaga baahanyahay:

-  Baaris iyo soo saaris warbixinnada TV-ga, Raadiyaha iyo/ama Qoraalka – ma ahan kaliya wararka maalinlaha ah laakiin sidoo kale muuqaallada si qoto dheer u eegaya arrimaha muhiimka u ah haweenka Soomaaliyeed.
-       Tifaftirka wararka iyo go’aan ka gaarista warbixinnada iyo qaabka loo sameynayo
-       Ka qaybgalka tababbarro, hagid iyo hogo-tusaaleyn ku saabsan saxaafadda oo ay bixinayaan khubarro warfaafineed oo maxalli ah iyo kuwo caalami ah.
-       Safarro gudaha Muqdisho ah iyo kuwo gobollada ah si aad warbixinno u soo sameyso.

Fadlan ku soo dir CV, Warqad Codsi iyo shaqo warbaahineed oo horey loo daabacay: Jobs@dalsantv.com

Shaqadani waxay u furan tahay dumar oo kaliya.

Codsadaha waxaa laga doonayaa in ay si fasiixi ah u taqaanno luuqadda Soomaaliga; Ingiriiska waa faa´ido dheeri ah.

Codsiga shaqo wuxuu billaabanayaa 08 Febraayo 2022 wuxuuna ku egyahay: 21 Febraayo 2022.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts