HomeWarar Ingiriiska oo loo gacan geliyay Soomaali loo heysto inay dilal gaysteen

 Ingiriiska oo loo gacan geliyay Soomaali loo heysto inay dilal gaysteen

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Kenya ayaa tarxiishay muwaadiniin u dhashay dalka Britain, kuwaasi oo loo haysatay dacwad dil ah oo ka geysteen dalkaasi Britain. War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda dambi baarista dalka Kenya ayaa lagu sheegay in dambi-baarayaashu ay raggan ka soo qabteen xaafad ku taala mgaalada Nairobi oo lagu magacaabo Kilimani, halkaasi oo ay ku […]

- Advertisement -

Kenya ayaa tarxiishay muwaadiniin u dhashay dalka Britain, kuwaasi oo loo haysatay dacwad dil ah oo ka geysteen dalkaasi Britain.

War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda dambi baarista dalka Kenya ayaa lagu sheegay in dambi-baarayaashu ay raggan ka soo qabteen xaafad ku taala mgaalada Nairobi oo lagu magacaabo Kilimani, halkaasi oo ay ku dhuumaaleysanayeen.

- Advertisement -

Maxamuud Siyaad Abdixakiim oo 24 jir ah iyo Monteiro Tariq Kennedy Mangal, oo 21 jir ah ayaa lasoo xiray kaddib markii ay laamaha ammaanka heleen xogo sirdoon ah.

Raggan ayaa waxaa loo heystaa inay dileen wiil 16 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Alex Smith, kaas oo toori lagu dilay gudaha xaafadda Camden sanadii 2019-kii.

Booliska Britian ayaa rumaysan in mid ka mid ah labada nin ee baxsadka ahaa ee la qabtay uu fuliyay weerarka toorida, halka midka kalena uu saarnaa mid ka mid ah labo baabuur oo la xaday oo ku lug lahaa dhacdadaasi.

- Advertisement -

Falkan ayaa la sheegay in uu ka dhashay xifaaltanka burcadda. Dambi baarayaasha ayaa sheegay in Tariq uu watay kaarka aqoonsiga Soomaaliya oo uu ku qoran yahay magaca Cabdulahi Abshir Maxamed iyo tooreey. Labo nin oo kale oo iayaguna lala xiririnayay dilka wiilkaasi 16-jirka ah oo haray loo xukumay ayaa xabsi ku yaalla UK ku dhameystay muddadii lagu xukumay

Latest stories