HomeCaalamkaDhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo Codsi u diray Israa'iil

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo Codsi u diray Israa’iil

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan ayaa telefoon u diray Benjamin Netanyahu oo xilligaas Ra’iisal wasaare ka ahaa Israa’iil, si uu ugu fududeeyo arrin ku taagnayd, sida uu shaaciyay wargeyska The New York Times ee ka soo baxa Maraykanka. Sacuudiga ayaa sanadkii 2019 laga joojiyay isticmaalka barnaamijka wax basaasa ee ay samayso shirkadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan ayaa telefoon u diray Benjamin Netanyahu oo xilligaas Ra’iisal wasaare ka ahaa Israa’iil, si uu ugu fududeeyo arrin ku taagnayd, sida uu shaaciyay wargeyska The New York Times ee ka soo baxa Maraykanka.

Sacuudiga ayaa sanadkii 2019 laga joojiyay isticmaalka barnaamijka wax basaasa ee ay samayso shirkadda NSO Group ee Israa’iil laga leeyahay ee loo yaqaan Pegasus. Baaritaanno la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Pegasus ay dowladaha caalamka intooda badan u isticmaalaan dabagalka shakhsiyaadka ay doonayaan inay ogaadaan xogtooda.

- Advertisement -

Kadib dilkii weriye Jamal Khashoggi, shirkadda NSO Group ayaa la sheegay inay diidday cusbooneysiinta ruqsadda isticmaalka barnaamijka Pegasus ee Sacuudi Carabiya, sida uu ku warramay wargeyska The New York Times.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kaaliyayaasha dhaxal sugaha ay la hadleen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Israa’iil iyo sirdoonka Mossad, balse ay ku guuldaraysteen inay soo celiyaan ruqsadda.

Maxamed bin Salmaan ayaa markaa kadib si toos ah telefoonka ugula hadlay ra’iisal wasaarihii Israa’iil ee xilligaas, Benjamin Netanyahu, waxaana uu ka codsaday inuu farageliyo xaaladda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts