HomeCaalamkaMadaxweyne Erdogan oo farriin hanjabaad u diray warbaahinta dalka Turkiga

Madaxweyne Erdogan oo farriin hanjabaad u diray warbaahinta dalka Turkiga

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweyne Tayib Erdogan ayaa sabtida maanta ugu hanjabay warbaahinta Turkey in ay aargoosi la kulmi doonaan haddii ay faafiyaan warar dhaawacaya qiyamka asaasiga ah ee Turkey, tallaabadaasi oo ay suurtagal tahay in ay horudhac u tahay faafreeb dheeri ah oo ay warbaahintu wajahaan. Qoraal uu daabacay wargeyska rasmiga ah ee Gazette ayuu ku sheegay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Tayib Erdogan ayaa sabtida maanta ugu hanjabay warbaahinta Turkey in ay aargoosi la kulmi doonaan haddii ay faafiyaan warar dhaawacaya qiyamka asaasiga ah ee Turkey, tallaabadaasi oo ay suurtagal tahay in ay horudhac u tahay faafreeb dheeri ah oo ay warbaahintu wajahaan.

Qoraal uu daabacay wargeyska rasmiga ah ee Gazette ayuu ku sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin lagu ilaalinayo “dhaqanka qaran” ee Turkey, islamarkaana laga hortago in ubadku ay ku barbaaraan “in ay si xun u saameyaan warbixinnada waxyeellada leh ee dhammaan warbaahinta qoraalka, tan maqalka iyo tan muuqaalkaba.”

- Advertisement -

Erdogan ayaan carrabaabin waxa ay yihiin warbixinnadaasi, laakin waxa uu tilmaamay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono “ficillada la ogyahay ama kuwa qarsoon ee loo adeegsado warbaahinta kuwaasi oo looga dan leeyahay in lagu waxyeeleeyo qiyamka qarankeena iyo akhlaaqdeena, laguna khalkhalgeliyo hab dhismeedka qoysaskeenna iyo bulshadeena.”

Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay u dhaqaaqay in uu kordhiyo xakameynta warbaahinta, iyadoo ku dhawaad 90% warbaahinta waaweyn ee dalkaasi ay hadda leedahay dowladda ama ay lee yihiin shakhsiyaad ku dhow dowladda.

Xulafadeeda reer galbeedka iyo kuwa dhaleeceeya ayaa sheegay in Erdogan uu u isticmaalayay afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii, si uu u aamusiyo kuwa isaga ka soo horjeeda, meeshana uga saaro xuquuqda bulshada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts