HomeWararK/Galbeed oo shaacisay Doorashada kuraasta ugu horreeysa ee lagu qabanayo Baraawe

K/Galbeed oo shaacisay Doorashada kuraasta ugu horreeysa ee lagu qabanayo Baraawe

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay qabashada doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee taalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulkaas ee Shabeellaha Hoose. Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa lagu soo bandhigay Liiska 13-ka kursi ee doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad […]

- Advertisement -

Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay qabashada doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee taalla Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulkaas ee Shabeellaha Hoose.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa lagu soo bandhigay Liiska 13-ka kursi ee doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee horey loogu qorsheeyay maamulka Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay shaacin doonaan Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada wax dooraneysa, ayna soo saari doonaan Jadwalka doorashada 13-ka kursi.

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa noqonaya Maamulkii u horreeyay ee shaaciya kuraasta taalla deegaan doorashada labaad oo ka mid ah 10 magaalo ee doorashada ka dhaceyso shanta dowlad Goboleed ee dalka ka jira.

Kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Baraawe ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Xildhibaanada kala ah:

- Advertisement -

1) HOP#016 Xil. Amina Sheekh Cismaan  Sheikh Osman.

2) HOP#044 Xil. Safiyo Xasan Nuur.

3) HOP#155 Xil. Jawaahir Caddaawe Cabdi.

4) HOP#150 Xil. Xasan Cismaan Xuseen (Qoryooley)

5) HOP#151 Xil. Cabdullaahi Xuseen Cali (Cabdalla)

6) HOP#152 Xil. Cabdullaahi Cumar Abshir

7) HOP#153 Xil. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.

8)HOP#160 Xil. Axmed Mayow Cabdulle.

9) HOP#161 Xil. Sayid-Cali Cabduqaadir Macalin

10) HOP#250 Xil. Maxamed Saciid Cabdullaahi.

11)Hop#080 Xil. Maxamed Cumar Dhalxa

12) HOP#165 Xil. Prof. Saalim Cali Ibro.

13) HOP#173 Xil. Cismaan Xaaji Cali

Latest stories