HomeWararDagaal khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe

Dagaal khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dagaalkaasi. Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in dagaalka oo khasaaro naf iyo maalba leh dhaliyay uu dhaxmaray Dadka degaanka oo gacan ka heliya Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa si […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dagaalkaasi.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in dagaalka oo khasaaro naf iyo maalba leh dhaliyay uu dhaxmaray Dadka degaanka oo gacan ka heliya Ciidanka Dowladda iyo Al-Shabaab.

- Advertisement -

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka deegaanka Muki-dheere oo ah duleedka degmada balacad Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana dadka degaanka oo aynu la hadalnay ay sheegeen in la gubay guryo ku yaallay degaankaasi, waxaana isaga soo barakacay dadkii ku sugnaa.

Dadka Barakacay ayaa soogaaray degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana ay inoo sheegen in dagaalku uu gaystay Khasaaro farabadan, iyadoo dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dhinacyada dagaalamay.

Degaankii lagu dagaalamay waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab sida ay inoo sheegen dadka mid ah dadka kasoo Barakacay deegaanka Muki-dheere.

- Advertisement -

Wali mamulka degaanka iyo Saraakiisha ammaanku wax war ah kama soo saarin dagaalkaasi khasaaraha badan dhaliyay, mana jirto cid ka hadashay ilaa iyo hadda.

Latest stories