HomeWararWasiirrada Arrimaha Dibadda Somalia iyo Rwanda oo ka wada hadlay iskaashiga labada...

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Somalia iyo Rwanda oo ka wada hadlay iskaashiga labada Dal

Date:

Related stories

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo booqasho rasmi ah ku tegey caasimadda Kigali ee dalka Rwanda ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalkaas Mudane Vincent Biruta, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada Dal. Labada Wasiir ayaa isla qiray […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo booqasho rasmi ah ku tegey caasimadda Kigali ee dalka Rwanda ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalkaas Mudane Vincent Biruta, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada Dal.

Labada Wasiir ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibbada ah, waxaana ay isla garteen dardargelinta iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda oo ay ku jirto dib-u-soo-celinta safaaradaha.

- Advertisement -

Wasiirrada ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii ay Soomaaliya iyo Rwanda iskaashi miro-dhal ah uga yeelan lahaayeen dhammaan arrimaha quseeya danaha labada Qaran ee amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyaga oo isla soo dhoweeyey fursadaha dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga ee labada Dal.

Ugu dambeyn, iyada oo laga dib loo eegayo  xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, waxa ay Wasiirradu isku raaceen in si wadajir ah looga wada-shaqeeyo iskaashiga fagaareyaasha caalamiga ah iyo adkaynta xiriirka wadar geesoodka ah.

Latest stories