HomeWararMusharaxiinta kursiga HOP64 oo ku dhawaaqay inay u tanaasuleen  Musharax Maxamed Cajiib

Musharaxiinta kursiga HOP64 oo ku dhawaaqay inay u tanaasuleen  Musharax Maxamed Cajiib

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Salaadiinta, Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta Beesha kursiga tirsigiisu yahay HOP64 ee Golaha Shacabka ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Matelayaasha siyaasadda iyo Suldaanka guud ee Beesha kursiga HOP64 ayaa kulankooda ku go’aamiyey in kursigaas Golaha Shacabka looga tanaasulo Musharax Maxamed  Ibraahim Cali Cajiib oo u sharaxan kursiga. Kulanka ayaa waxaa laga […]

- Advertisement -

Salaadiinta, Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta Beesha kursiga tirsigiisu yahay HOP64 ee Golaha Shacabka ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Matelayaasha siyaasadda iyo Suldaanka guud ee Beesha kursiga HOP64 ayaa kulankooda ku
go’aamiyey in kursigaas Golaha Shacabka looga tanaasulo Musharax Maxamed  Ibraahim Cali Cajiib oo u sharaxan kursiga.

- Advertisement -

Kulanka ayaa waxaa laga sheegay in wax caqabad ama khilaaf uusan ka jirin doorashada kursiga HOP64, isla markaana Musharaxiinta kala ah Sahro Cumar Maalin iyo Cabdi Colaad Raage ay u tanaasuleen, ayna garab taagan yihiin Musharax Maxamed Cajiib.

Sahro Cumar Maalin oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiday kulanka HOP64 ayaa kulanka Dhuusamareeb ka sheegtay in Musharaxii ku tartami lahaa kursiga ay ku mideysan yihiin oo aysan jirin wax is qab-qabsi oo ka taagan, looga baahan yahay in la is ixtiraamo.

Sidoo kale siyaasiyiinta ka qeyb galay kulanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalo kasoo yeeray shaqsiyaad sheegtay inay cabasho ka qabaan kursiga HOP64, waxaana siyaasiyiinta ay Carabka ku dhufteen in dadkaas aysan wax qoondo ah ku laheyn kursiga, isla markaana ugu baaqay in la is ixtiraamo.

- Advertisement -

Suldaanka guud ee Beesha Waceysle Suldaan Maxamed Cabdi Shido ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in kuraasta doorashada Galmudug ay si wanaag ku dhammaadan, isagoona caddeeyay in aan loo jawaabi doonin dadka sheegtay inay cabasho ka qabaan kursiga HOP64.

Si kastaba Ganacsade Maxamed Ibraahim Cali Cajiib ayaa ah Musharaxa ugu cadcad inuu kusoo bixin doono kursiga tirsigiisu yahay HOP64, waxaana Maxamed Cajiib uu kamid yahay shaqsiyaadka doorka fiican kasoo Nabada iyo dib u dhiska dalka.

Latest stories