HomeWararDoorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.. Guddiga doorashada Galmudug ayaa maalintii shalay aheyd soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaya afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaasi oo ay deegaan […]

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka..

Guddiga doorashada Galmudug ayaa maalintii shalay aheyd soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta Musharaxiinta u tartamaya afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaasi oo ay deegaan doorashoodu tahay Galmudug.

- Advertisement -

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#089 ayaa waxaa ku tartamaya oo loo diiwaan-geliyay saddex Musharax oo kala ah Yaasiin Cabdi Jaamac, Qaasim Cabdikariin Cilmiseed iyo Baar Maxamed Raage, halka kursiga HOP248 loo xiray Jeneraal Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq Jon.

Sidoo kale kursiga HOP096 ayaa ku loolami doono Qaali Axmed Diiriye iyo Xakiimo Xirsi Cali, halka kursiga HOP64 ay ku tartamayaan Ganacsade Maxamed Ibraahim Cali Maxamed Cajiib iyo Cabdullaahi Iimaan Afrax.

Doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona wafdi ka socda Guddiga doorashadooyinka heer Federaal iyo kuwa doorashada Maamulka Galmudug.

Latest stories