HomeWararAkhriso:-Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo hakiyey Natiijada Doorashada saddex kursi

Akhriso:-Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo hakiyey Natiijada Doorashada saddex kursi

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo maalmo kahor lagu doortay Magaalada Muqdisho. War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa lagu hakiyey Natiijada doorashada kuraasta tirsigoodu kala yihiin #HOP201 #HOP209 iyo #HOP211, kuwaasi oo dacwo laga soo gudbiyey, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo maalmo kahor lagu doortay Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa lagu hakiyey Natiijada doorashada kuraasta tirsigoodu kala yihiin #HOP201 #HOP209 iyo #HOP211, kuwaasi oo dacwo laga soo gudbiyey, waxaana dacwada baaris ku sameeyn doona Guddiga.

- Advertisement -

Guddiga Khilaafaadka ayaa caddeeyay in dacwada laga soo gudbiyey saddexda kursi ee Golaha Shacabka ee ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ay kusoo dhameystirmi doonaan muddo 7 maalmo gudahood oo ka bilaabaneysa Maanta oo khamiis ah.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#201 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Wasiirka Maaliyadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, balse dhawaan loo doortay Cabdullaahi Abiib.

Kursiga HOP#209  ayaa waxaa uu horey ugu fadhiyey Allaha u naxariistee Axmad Dhimbil Casoowe, waxaana maalma ka hor loo doortay Maxamad Xuseen Haadi.

- Advertisement -

Kursiga Sedaxaad ee tirsigiisu yahay HOP#211 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiday Caasha Koos, oo mar kale maalmo kahor dib loogu doortay, kadib doorasho ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts