HomeWararAkhriso:-Magacyada saddex Xildhibaan oo Maanta Doorashadooda ka dhacday Kismaayo

Akhriso:-Magacyada saddex Xildhibaan oo Maanta Doorashadooda ka dhacday Kismaayo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Waxaa Maanta oo Arbaco ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka dhacday doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Maamulka Jubbaland. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP126 ee Maanta ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Xasan Xuseen Maxamed Xasan […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo Arbaco ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka dhacday doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Maamulka Jubbaland.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP126 ee Maanta ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Xasan Xuseen Maxamed Xasan Elaay oo ah Wasiirka Gaadiidka Maamulka Koonfur Galbeed iyo Cabdiraxman Macalin Xuseen.

- Advertisement -

Wasiir Xasan Xuseen Elaay ayaa ku guuleystay doorashada kursiga #HOP126, isagoona helay helay codad gaaraya 74 Cod, halka Musharaxii la tartamayey uu isna helay 21 Cod, isla markaana waxaa la sheegay inay 5 Cod ka halaawday doorashadaas.

Doorashada kursiga #HOP127 ayaa kusoo baxay oo loo doortay Dr. Axmed Aadan Axmed oo helay 84 Cod, waxaana uu ka guuleystay Musharaxii tartanka kula jiray ee Cabduqaadir Cabdullahi Xirsi oo isna helay 16 Cod, hal Codna wuu halaabay.

Doorashada kursigii ugu dambeeyay ee ka dhacday Kismaayo oo tirsigiisu yahay #HOP118 ayaa Cod gacan taag ah loogu coddeeyay Yuusuf Maxamed Ismaaiil, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa ee Cumar Maxamed Cumar.

- Advertisement -

Gudsoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay dhammaan Natiijooyinka doorashada kuraastii Maanta ka dhacday Kismaayo oo ay goobjoog ka ahaayeen wafdi ka socday Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Latest stories