HomeWararWakiilada Puntland oo warbixinno ka dhageystay madax-gudiyeedyada

Wakiilada Puntland oo warbixinno ka dhageystay madax-gudiyeedyada

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Fadhiga 3-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada,  Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka guddiga joogtada ah ee xarunta Golaha […]

- Advertisement -

Fadhiga 3-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada,  Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta ka qabsoomay hoolka shirarka guddiga joogtada ah ee xarunta Golaha Wakiillada.

Fadhiga maanta ayaa madax-gudiyeedyada looga dhagaystay warbixino la xiriira arrimaha bulshada, amniga, dhaqaalaha, dhammaystirka Goleeyaasha Deegaanka iyo arrimaha garsoorka.

- Advertisement -

Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, Guddiga Joogtada ahi waxay go’aamiyeen in guddi gaar ah loo saaro dhammaystirka xeerka biyaha Puntland, sidoo kale guddigu waxay go’aamiyeen   in loo yeero Wasiirka Wasaaradda Xannaada Xoolaha, si wax looga weydiiyo arrimaha Maxjaradda Puntland, waxaa kale oo ay go’aamiyeen in loo yeero Taliyaha  Ciidanka Booliska iyo Taliyaha hoggaanka Dembi-baarista Puntland (CID), si wax looga weydiiyo cabashooyin ku aadan lacago laga qaado dadka qaadanaya warqadda dembi la’aanta.

Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ah waxaa loo qeybiyey saddex xeer oo kala ah Xeerka La-dagaalanka Maandooriyaha Puntland, Xeerka Dalxiiska Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland. Xeerar kaas oo Goluhu ku ansixiyey kalfadhigii 49-aad ee Golaha wakiillada, madaxweynuhuna saxiixay, faafinta rasmiga ahna lagu soo saaray, si guddiyadu ay dabagal ugu sameeyaan dhaqangalkooda.

Latest stories