HomeWararLaamaha amniga G/Banaadir oo gacanta ku dhigay haweenay Muuqaal naxdin leh ka...

Laamaha amniga G/Banaadir oo gacanta ku dhigay haweenay Muuqaal naxdin leh ka duubtay Carruur

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Maamaulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigen haweenay dhawaan muuqaal ka duubtay carruur ay dhashay oo aad u da’yar, kuwaasi oo muuqaalkoodu si weyn uu ugu baahay baraha Bulshada, Xilli ay isticmaalayeen maandooriye. Muuqaalka oo baraha bulshada ku faafay ayaa waxaa kasoo muuqaday labo gabdhood oo saqiiro ah oo Shiishad jiidaya, waxaana […]

- Advertisement -

Maamaulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigen haweenay dhawaan muuqaal ka duubtay carruur ay dhashay oo aad u da’yar, kuwaasi oo muuqaalkoodu si weyn uu ugu baahay baraha Bulshada, Xilli ay isticmaalayeen maandooriye.

Muuqaalka oo baraha bulshada ku faafay ayaa waxaa kasoo muuqaday labo gabdhood oo saqiiro ah oo Shiishad jiidaya, waxaana muuqaalka oo arga-gax lahaa ka ag-hadlayay Haweenayda oo carruurta siinaysay Maandooriyaha.

- Advertisement -

Laamaha amniga Gobolka banaadir ayaa ku guulaysatay in ay soo qabtaan Haweenayda, kadib howgallo ay sameeyeen, sida uu xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Cali yare Cali.

Waxaa uu sheegay in Howlgal ay sameeyeen laamaha amniga ay suurtagashay in ay gacanta ku soo dhigaan Haweenayda ku takri fashay labada  gabdhood oo saqiiro ah oo ay dhashay kana duubtay muuqaal iyada oo siineeysa Badeeco_Shiishad – muuqaalkaas oo argagax galiyay Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray Cali Yare Cali Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo arrimaha siyaasadda Gobolka Banaadir in ay caddaaladda hor gayn doonaan Haweenayda.

- Advertisement -

DHawaan ayay ahayd markii Baraha Bulshada uu ku baahay Muuqaal arga-gax leh oo ay kasoo muuqdeen labo gabdhood oo aad u da’yar kuwaasi oo shiishad jiidayay, waxaana siyaabo kala duwan kaga falceliyay bulshada Soomaaliyeed.

Latest stories