HomeWararGuddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii Caawa xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag dhalinyaro oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Cabdiraxmaan Ibraahim, xili uu kasoo baxay Masaajid uu […]

- Advertisement -

Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii Caawa xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag dhalinyaro oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Cabdiraxmaan Ibraahim, xili uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo tukaday Salaadii Ceshaha ee Caawa, isagoo u dhintay rasaas lagu furay.

- Advertisement -

Dableydii dishay Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa durbo goobta ka baxsatay, isla markaana waxaa sida caadada aheyd halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo qaaday Meydka Marxuum Macow.

Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa muddooyinkii u dambeysay daganaa degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho oo ay Caawa kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ku dileen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe kusoo badatay falalka amni darro, waxaana maalmo kahor gudaha degmada Yaaqshiid lagu dilay Nabaddoon caan  ahaa, sidoo kalena Caasimadda ay ka dhacayeen qaraxyo khasaaro kala duwan dhaliyey…

- Advertisement -

Latest stories