HomeWararGuddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii Caawa xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag dhalinyaro oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Cabdiraxmaan Ibraahim, xili uu kasoo baxay Masaajid uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii Caawa xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag dhalinyaro oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Cabdiraxmaan Ibraahim, xili uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo tukaday Salaadii Ceshaha ee Caawa, isagoo u dhintay rasaas lagu furay.

- Advertisement -

Dableydii dishay Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa durbo goobta ka baxsatay, isla markaana waxaa sida caadada aheyd halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo qaaday Meydka Marxuum Macow.

Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa muddooyinkii u dambeysay daganaa degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho oo ay Caawa kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ku dileen.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe kusoo badatay falalka amni darro, waxaana maalmo kahor gudaha degmada Yaaqshiid lagu dilay Nabaddoon caan  ahaa, sidoo kalena Caasimadda ay ka dhacayeen qaraxyo khasaaro kala duwan dhaliyey…

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts