HomeCaalamkaWaqti dheeraad ah oo lagu kordhiyey Xaaladda Deg-dega ah ee saaraan Tuniisiya

Waqti dheeraad ah oo lagu kordhiyey Xaaladda Deg-dega ah ee saaraan Tuniisiya

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha Dalka Tuniisiya ayaa go’aansaday in muddo bil ah oo dheeraad ah lagu kordhiyo xaaladda deg-degga ah ee dalkaas saarneed, iyadoo dhaqdhaqaaqa Al-nnahda uu ugu baaqay mas’uuliyiinta dalkaas in ay sii daayaan dhammaan maxaabiistii loo xer-xeray bannaanbaxyadii ka socday dalka.

Sida lagu daabacay Wargeyska ku hadla Afka Dowlada ee Al-Raa’id, cadadkiisii ​​maanta, ayaa lagu sheegay in xaaladdii degdegga aheed la kordhiyay laga bilaabo 20-ka Janaayo, ayna sii jiri doonto ilaa 18-ka  bisha soo socoto ee Febraayo.

- Advertisement -

Madaxweynaha Tunuusiya Qeys Siciid, ayaa markii u horaysay xaaladdii degdega ah ee dalkiisa ku kordhiyay Lix  bilood, taasi oo ka bilaabaneeysay 26-kii  December 2020 ilaa June 23, 2021.

Sidokale dhawr jeer ayuu Madaxweynaha muddo kordhin ku sameeyay xaaladda deg-dega ah ee daliisa saarneed, iyadoo ay barbar socdeen isoo baxyo looga cabanaayo Xayiraada.

War qoraal ah oo Jimcihii ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Tunuusiya, ayaa lagu sheegay in dibad baxayaal careeysan ay weerar ku soo qadeen dhawr xero oo ay lahayeen Ciidamada Ammaanka.

Latest stories