HomeCaalamkaMid kamid ah Dowladdaha Afrika oo hortimid heshiis ay hore ula gashay...

Mid kamid ah Dowladdaha Afrika oo hortimid heshiis ay hore ula gashay Faransiiska

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa xaqiijiyay in ay darsayaan codsi uga yimid dalka Maali oo ku aaddan in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyadii dhanka difaaca ee ay labada dal horay u wada gaareen. Xukuumadda Bamako, ayaa aaminsan in heshiiskaasi uu yahay mid ka hor imaanaya arrimaha Difaaca iyo guud ahaanba danaheeda. […]

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa xaqiijiyay in ay darsayaan codsi uga yimid dalka Maali oo ku aaddan in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyadii dhanka difaaca ee ay labada dal horay u wada gaareen.

Xukuumadda Bamako, ayaa aaminsan in heshiiskaasi uu yahay mid ka hor imaanaya arrimaha Difaaca iyo guud ahaanba danaheeda.

- Advertisement -

Faransiiska ayaa dhankiisa  ku hanjabay inuu dib u eegis ku sameyn doono joogitaanka Ciidankooda ee Mali, haddii dowladda Mali ay meesha ka saari wayso cabashada heshiiskii horay loo gaaray, halka maamulka Malina uu diiday arrinkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Mali Shogel Maiga, ayaa horay u sheegay in dalkiisa uu doonayo in uu dib u eegis ku sameeyo heshiisyada millatari ee uu la galay Faransiiska, isaga oo wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka ku sheegay in Ciidamada Faransiiska ee ku sugan dalkiisa ay tacadiyo ka geysteen dalka.

Latest stories