HomeWararJubbaland oo shaacisay waqtiga Doorashada 6 kursi oo Guddiga Doorashada soo saaray

Jubbaland oo shaacisay waqtiga Doorashada 6 kursi oo Guddiga Doorashada soo saaray

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyey Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey loo soo saaray kuraasta. Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Maanta oo Arbaco ah Guddiga uu soo bandhigi doono Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya […]

- Advertisement -

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyey Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey loo soo saaray kuraasta.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Maanta oo Arbaco ah Guddiga uu soo bandhigi doono Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada doorashada 6 kursi oo doorashadoodu dhaceyso.

- Advertisement -

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 6-da kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay bilaabi doonaan maalinta berri oo khamiis ah, sidoo kalena sabtida soo socota tababar la siin doono Guddiyada.

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in doorashada kuraasta 6 ah ee lasoo saaray la qaban doono 23-ka bishaan, isla markaana doorashada lagu qaban doono Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Hoos ka Akhriso Warqada kasoo baxday Guddiga doorashada.

- Advertisement -

 

Latest stories