HomeWararDoorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baydhabo

Doorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baydhabo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 5 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana sidoo kalena horey […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 5 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana sidoo kalena horey loo soo saaray Odayaasha soo xulaya ergada wax dooraneysa.

- Advertisement -

Kuraasta doorashadoodu Maanta ka dhaceyso Baydhabo ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP184 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Xasan Cabdinuur Cabdi, HOP085 oo ku fadhiyey Shariif Maxamed Cabdalla Xuseen, HOP046 oo ku fadhiday Rabaco Sheekh Nuur, HOP156 oo ku fadhiyey Cali Cabdi Cismaan iyo HOP176 oo ku fadhiyey afartii sanno ee lasoo dhaafay Maxamed Mursal Boorow.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka noqon doono xubno ka tirsan Guddiga doorashada Koonfur Galbeed iyo korjoogto kale, waxaana la filayaa in doorashada saacadaha soo socda ka bilaabato Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda ayaa si dardar leh uga bilaabatay maamul Goboleedyada, waxaana doorashada Golaha la qorsheeyay in lagu soo gaba-gabeeyo 40 maalmood oo ku eg 25-ka bisha soo socta ee Febraayo 2022.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts