HomeWararDoorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baydhabo

Doorashada 5 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhaceysa Baydhabo

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 5 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana sidoo kalena horey […]

- Advertisement -

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya 5 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana sidoo kalena horey loo soo saaray Odayaasha soo xulaya ergada wax dooraneysa.

- Advertisement -

Kuraasta doorashadoodu Maanta ka dhaceyso Baydhabo ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yihiin HOP184 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Xasan Cabdinuur Cabdi, HOP085 oo ku fadhiyey Shariif Maxamed Cabdalla Xuseen, HOP046 oo ku fadhiday Rabaco Sheekh Nuur, HOP156 oo ku fadhiyey Cali Cabdi Cismaan iyo HOP176 oo ku fadhiyey afartii sanno ee lasoo dhaafay Maxamed Mursal Boorow.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka noqon doono xubno ka tirsan Guddiga doorashada Koonfur Galbeed iyo korjoogto kale, waxaana la filayaa in doorashada saacadaha soo socda ka bilaabato Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda ayaa si dardar leh uga bilaabatay maamul Goboleedyada, waxaana doorashada Golaha la qorsheeyay in lagu soo gaba-gabeeyo 40 maalmood oo ku eg 25-ka bisha soo socta ee Febraayo 2022.

Latest stories