HomeWararCiidanka Booliska oo xalay howlgalo ka sameeyay Degmooyin ka tirsan G/Banaadir

Ciidanka Booliska oo xalay howlgalo ka sameeyay Degmooyin ka tirsan G/Banaadir

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay aheyd howlgalo saacado qaatay waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka Waaberi, Hodan, howlwadaag, Warta-nabadda iyo Heliwaa ee Gobolkaan Banaadir. Ciidamada Booliska ayaa howlgalada intooda badan ka sameeyay waddooyinka laamiga, iyagoona baaritaano kala duwan ku sameeynayey gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee istcmaalayay wadada, sidoo kalena su’aalo la xiriira amniga […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay aheyd howlgalo saacado qaatay waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka Waaberi, Hodan, howlwadaag, Warta-nabadda iyo Heliwaa ee Gobolkaan Banaadir.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalada intooda badan ka sameeyay waddooyinka laamiga, iyagoona baaritaano kala duwan ku sameeynayey gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee istcmaalayay wadada, sidoo kalena su’aalo la xiriira amniga weydiinayey shacabka.

- Advertisement -

Howlgalada oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Muqdisho oo maalmahan u muuqda mid faraha kasii baxaya.

Saraakiisha Booliska ayaa intaas kusii daray in howlgalada lagu sugayo amniga Caasimadda ay sii socon doonaan, si looga hortego falalka amni darro ee isugu jira qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee xiliyada qaarkood ka dhaca Muqdisho.

Howlgalada ay fuliyeen Ciidanka ayaa kusoo aaday, iyada oo maalmihii dambe Muqdisho ka dhacayeen qaraxyo Is-miidaamin ah oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana qaraxii ugu dambeeyay ee uu fuliyey qof is-miidaamiye uu shalay ka dhacay degmada Wadajir, kaasi oo ay ku dhinteen 4 qof oo isugu jiray Askar iyo shacab.

Latest stories