HomeWararXasan Sheikh “Waxaa suurta gal ah in dalku uu dib ugu laabto...

Xasan Sheikh “Waxaa suurta gal ah in dalku uu dib ugu laabto Dowlad ku meelgaar ah”

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musaharax Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku haatan ku jiro,iyadoo ay tahay waqti doorasho. Xasan Sheikh oo jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo uu kaga hadlayay arrimaha hadda taagan ee dalku marayo, ayaa waxaa uu hadalkiisu inta badan ku dhaliilayay xukunka iyo maamulka hadda talada […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musaharax Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalku haatan ku jiro,iyadoo ay tahay waqti doorasho.

Xasan Sheikh oo jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo uu kaga hadlayay arrimaha hadda taagan ee dalku marayo, ayaa waxaa uu hadalkiisu inta badan ku dhaliilayay xukunka iyo maamulka hadda talada haya ee uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed cabdullaahi farmaajo.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay in tan iyo xukunkiisii kadib aan dalka wax hormar weyn ah aan laga sameyn.

Xaaladda hadda dalku galay ayuu sheegey in waddada kaliya ee lagu badbaadin karo ay tahay doorasho daah furan, lagana gudbo is qab-qabsiga siyaasadeed ee inta badan soo laab laabtay.

Siyaaasiyiinta Soomaaliyeed ayuu haatan ugu baaqay in laga gudbo dhammaan khilaafaadka oo si niyad sami ah loo garab istaago mas’uuliyiinta ku howlan hirgelita doorashada, ee uu hoggaanka u yahay Ra’isul Wasaaraah Xukuumadda federaalka Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble.

- Advertisement -

“Waddada kaliya ee maanta badbaadin karta dowladnimadeena waa doorasho daah furan. Waxaan ku baaqayaa in laga gudbo dhammaan khilaafaadka oo si niyad sami ah loo garab istaago mas’uuliyiinta ku howlan hirgelita doorashada” ayuu yiri Xasan Sheikh.

 

Latest stories