HomeWararDhaawaca Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu oo loo qaaday Dalka dibaddiisa

Dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu oo loo qaaday Dalka dibaddiisa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka duushay Diyaarad lagu qaaday dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shalay lala beegsaday qarax Is-miidaamin ahaa. Dhaawaca Afhayeen Macalimuu ayaa Garoonka Aadan Cadde looga qaaday diyaarad qaas oo ah kuwa Caafimaadka oo lagu geyn doono dalka Turkiga, si xaaladdiisa Caafimaad loogu dabiibo, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka duushay Diyaarad lagu qaaday dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shalay lala beegsaday qarax Is-miidaamin ahaa.

Dhaawaca Afhayeen Macalimuu ayaa Garoonka Aadan Cadde looga qaaday diyaarad qaas oo ah kuwa Caafimaadka oo lagu geyn doono dalka Turkiga, si xaaladdiisa Caafimaad loogu dabiibo, waxaana Garoonka ka sagootiyey Mas’uuliyiin iyo bahda Warbaahinta.

- Advertisement -

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa uu dhaawaca ka gaaray lug oo uu ka jabtay iyo gacan, sidoo kalena xabbadka ay ka gaartay jug xoog leh, isagoo markii uu dhaawacmay la dhigay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho oo dhowr baaritaan ku maray.

Maamulka Isbitaalka Digfeer iyo dhaqaatiirtii la tacaaleysay xaaladda Macalimuu ayaa sheegay in dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda uu yahay mid fudud, isla markaana uusan darneyn, waxaana Muuqaalo laga soo duubay lagu arkayey isaga oo sheekeynaya.

Qarax Is-miidaamin ah oo fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyey maalintii shalay Gaari uu watay Afhayeen Maxamed Ibraahim Macalimuu, xili uu doonayay inuu kasoo baxo Gurigiisa, waxaana mas’uuliyada qaraxaas sheegtay Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts