HomeCaalamkaXiisadda u dhexeeysa Dowladda Ruushka iyo Ukraine oo meel xun maraysa

Xiisadda u dhexeeysa Dowladda Ruushka iyo Ukraine oo meel xun maraysa

Date:

Related stories

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...
- Advertisement -

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in Ruushku qorshaynayo inuu samaysto marmarsiiyo uu ku galo dalka Ukraine.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay in Moscow durba qaar iyada u shaqeeya u dirtay in ay calan been ah ka taagaan soohdinta ay dalkaa la leedahay si ay ugu eedayso Kyiv, waxaanu intaa ku daray in sidoo kale Ruushku sii xoojiyey ololaha borobagaandada ah ee Ukraine lagaga dhigayo dal daan daansi wada.

- Advertisement -

Wasaaradda difaaca ee xukuumadda Kyiv ayaa sheegtay in Ruushku uu qorsheynayo inuu hawlgalo kan la mid ah ka fuliyo dalka ay dariska yihiin ee Moldova. Eedeymahan ayaa imaanaya ka dib markii ay guuldareysteen dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu yarenayay khalalaasaha Ukraine kuwaas oo socday mudoo toddobaad ah.

Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ayaa beeniyey wararkaas, waxayna ku tilmaameen kuwo aan sal lahayn. Ukraine ayaa Jimcihii ku eedaysay Ruushka inuu ka dambeeyay weerar dhanka Internetka ah oo lagu qaaday tobanaan website oo kuwa dowladda ah.

Kahor intaanay bogagga khadka ka bixin, waxaa la soo diray fariin u muuqatay digniin ku socota dadka reer Ukraine oo ah inay “u diyaargaroobaan dhibaatada ugu xun”.

Latest stories