HomeCaalamkaQ/Midoobay oo Qeylo-dhaan kasoo saartay Malaayiin dollar oo ka xayiran Afganistan

Q/Midoobay oo Qeylo-dhaan kasoo saartay Malaayiin dollar oo ka xayiran Afganistan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ,ayaa ka dhawaajiyay in malaayiin reer Afgaanistaan ​​​​ay u baahan yihiin gargaar binii’aadanimo oo degdeg ah oo wax ka tara macluusha iyo dhaqaale xumida ka jirta dalkaasi. Xoghayaha,waxa uu ku booriyay beesha caalamka in Qaramada Midoobay  ay ku maalgeliyaan $ 5-bn oo codsi bini’aadanimo ah oo wax loogu […]

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ,ayaa ka dhawaajiyay in malaayiin reer Afgaanistaan ​​​​ay u baahan yihiin gargaar binii’aadanimo oo degdeg ah oo wax ka tara macluusha iyo dhaqaale xumida ka jirta dalkaasi.

Xoghayaha,waxa uu ku booriyay beesha caalamka in Qaramada Midoobay  ay ku maalgeliyaan $ 5-bn oo codsi bini’aadanimo ah oo wax loogu qabto dadka dalkaasi ee la ildaran macluusha.

- Advertisement -

Antonio Guterres ,waxa uu soo jeediyay in  la sii daayo hantida Afgaanistaan ​​ee la xayiray, sii ayuu  yiri looga hortago burburka dhaqaale iyo baahiyaha kale ee ka jira dalka Afganistaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 8.7 milyan oo reer Afgaanistaan ​​ah ay qarka u saaran yihiin macaluul, waxayna intaa raacciyeen  inay muhiim tahay in si degdeg ah dhaqaalaha Afqaanistaan ​​loo geliyo dalkaasi, lagana fogaado burburka u horseedaya faqri, gaajo iyo macaluul.

Beesha caalamku waxay xayirtay hantida Afgaanistaan ​​ee dibadda iyagoo sidoo kale joojisay taageeradii dhaqaale, iyo in ay la shaqeeyaan Taliban.

- Advertisement -

 

 

Latest stories