HomeWararDuqeyn Diyaaradeed oo lala beegsaday Xero ay degan yihiin Dad Barakacayaal ah

Duqeyn Diyaaradeed oo lala beegsaday Xero ay degan yihiin Dad Barakacayaal ah

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Shaqaalaha Gargaarka ee ku sugan waddanka Itoobiya ayaa sheegaya in 56 qof lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday xero ay ku nool yihiin dad barakacay oo ku taal gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi. Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta weerrarka ka dhacay dhisme iskuul oo ku yaal xerada Dedebit, hasayeeshee […]

- Advertisement -

Shaqaalaha Gargaarka ee ku sugan waddanka Itoobiya ayaa sheegaya in 56 qof lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday xero ay ku nool yihiin dad barakacay oo ku taal gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi.

Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta weerrarka ka dhacay dhisme iskuul oo ku yaal xerada Dedebit, hasayeeshee sawirrada la soo dhigayo baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan ayaa muujinaya dad rayid ah oo dhaawac ah oo lagu dabiibayo isbitaal.

- Advertisement -

Ciidamada dowladda ayaa mucaaradka kula dagaallamayay Tigray,dowladda kama aysan hadlin weerarkaas.

Dhanka kalena, iyadoo isku dhacyada u dhaxeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo isbahaysiga mucaaradka oo ay horkacayaan kuwa Tigray uu si ku meel gaar ah u istaagay, ayaa haddana waxaa weli sii socda duqeymaha cirka ee lagu beegsanayo goobaha ay fallaagada ku sugan yihiin.

Shaqaale gargaar, oo aan magacooda la shaacin, ayaa soo bandhigay sawirrada dad dhaawac ah oo isbitaalka jooga, oo ay ku jiraan tiro carruur ah. Jimcihii, dowladda ayaa ku dhawaaqday inay sii deysay dhowr siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin hogaamiyeyaasha kooxda TPLF.

Latest stories