HomeWararGolaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta oo kulan uga socda Muqdisho

Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta oo kulan uga socda Muqdisho

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqda Muqdisho ayaa haatan waxaa ay kulan la leeyihiin Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kulanka Golaha iyo Midowga ayaa looga arrinsanayaa cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga Murashaxiinta iyo sidii loo dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Midowga sidoo kale ka dhageysanaya tallooyin ku aadan doorashada dalka, waxaana kulanka oo ka socda Teendhada Afiysooni ka qeyb galaya inta badan xubnaha Midowga oo ay ku jiraan Madaxdii hore ee dalka.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo Shirka Wadatashiga oo Maanta galay maalintii 6-aad, iyadoona Shirka diirada lagu saarayey saxida waxyaabihii ka khalmaday doorashada iyo jaangoynta xiliga lasoo gaba-gabeeynayo doorashada Golaha Shacabka.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxda Golaha ay is afgarad ka gaareen Qodobada Shirka intooda badan oo ay ugu weyn tahay arrinta amniga dalka oo la sheegay in la isku raacay in lagu wareejiyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

- Advertisement -

Latest stories