HomeCaalamkaMareykanka oo su'aal ka keenay Ciidamada Ruushka ee ku sugan Kazakhstan

Mareykanka oo su’aal ka keenay Ciidamada Ruushka ee ku sugan Kazakhstan

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Xukuumadda Washington ayaa su’aal ka keentay go’aanka dalka Kazakhstan ee uu taageero militari uga codsaday Ruushka sababo la xiirira dibadbaxyada rabshadaha wata ee dalkaasi ka socda.

Ruushka ayaa sheegay in si ku meel gaar ah uu u joogo Kazakhstan. Shiinaha ayaa sidoo kale taageero u muujiyay tallaabooyinka lagu soo celinayo xasiloonida Kazakhstan, oo uu ku maal gashaday mashaariic waaweyn.

- Advertisement -

Ciidamadii ugu horreeyay oo gaaraya 2,500 isla markaana uu Ruushku hoggaaminayo ayaa haatan ku sugan Kazakhstan. Saraakiisha ku sugan Moscow ayaa sheegay in ciidamada isbahaysiga ah ee ka socda shan dal ka tirsnaan jiray Midowga Soofiyeetka iyo Ruushka ay si kumeel gaar ah u joogaan dalkaas.

Madaxweyne Kassym-Jomart Tokayev ayaa codsaday in ciidamo loo soo diro kaddib markii dibadbaxayaal ay galeen xafiiska duqa magaalada ugu weyn Kazakhstan ee Almaty.

Balse mar uu la hadlayay weriyeyaasha, ayaa Antony Blinken, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, wuxuu ka digay in hal cashar oo dhowaan la bartay ay tahay in haddii mar Ruushku uu gurigaaga yimaado ay adag tahay in laga soo saaro.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in xukuumadda Kazakhystan iyo ciidamadeeda ay awood u leeyihiin inay la tacaalaan dibadbaxayaasha. Dhanka kale, ciidamada Kazakhstan ayaa haatan gacan bir ah ku qabtay magaalada.

Latest stories