HomeWararShirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintiisii labaad galay

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintiisii labaad galay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maanta waxaa maalintii labaad galaya shirka Golaha Wadatashiga, kaasi oo si rasmi ah shalay uga furmay magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka oo qayb ahaan horey uga billaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo. Khilaaf ayaa hareeyay doorashadani waqtigeeda la dhaafay, iyadoo Guddiga Hiragalinta Doorashooyinka Heer Federaalna […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maanta waxaa maalintii labaad galaya shirka Golaha Wadatashiga, kaasi oo si rasmi ah shalay uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka oo qayb ahaan horey uga billaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo.

- Advertisement -

Khilaaf ayaa hareeyay doorashadani waqtigeeda la dhaafay, iyadoo Guddiga Hiragalinta Doorashooyinka Heer Federaalna uu dhawaan kala qaybsamay.

Shirka waxa ka qaybgalaya dhammaan Madaxweynayaasha Maamul Gobolleedyada shanta ah, duqa magaalada Muqdisho iyo Ra’isul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble.

Ajendayaasha ugu waaweyn ee shirka lagu gorfeynayo ayaa waxaa kamid ah:-

- Advertisement -

1: Amniga doorashada

2: Habraacyada doorashada

3: In hal deegaan doorasho lagu soo koobo doorashada golaha shacabka.

4: Jadwal doorasho oo cusub iyo qodobo kale.

Waxaa si weyn isha loogu hayaa,sida madaxdu ay isugu raacin doonaan qodobadaasi, kuwaasi oo isbedal ku keeni kara waxyaabihii ay horay ugu heshiiyeen.

shirkan ayaa horey waxaa ugu dhawaaqay Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli khilaaf xooggan uu dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaarihiisa.

Kulanka ayaa marka uu soo dhamaado maalmaha soo socda waxaa la filayaa in ay uu ka soo baxo heshiis doorasho oo dalka ka dhacda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts