HomeWararMadaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta la kulmay Cabdi Xaashi

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta la kulmay Cabdi Xaashi

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta kale. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Maanta hoyga uu ka degan Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaankii 10-aad ee Federaalka Senator Cabdi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta kale.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Maanta hoyga uu ka degan Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaankii 10-aad ee Federaalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

- Advertisement -

Kulanka Madaxweynaha iyo Cabdi Xaashi ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo doorashooyinka oo ay ka muuqato cago-jiid farabadan iyo is qab-qabsi ka dhashay kuraasta doorashada qaar.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Madaxweynaha Jubbaland u sheegay inay muhiim tahay dardar-gelinta doorashada, isla markaana ku dhacda si nabad ah oo heshiis lagu wada yahay, si looga baxo marxalada kala guurka ah ee xiligaan lagu jiro.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shalay kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, waxaana inta uu ku sugan yahay Muqdisho uu kulamo kale la qaadan doonaa Wakiilada Beesha Caalamka iyo Mas’uuliyiin kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts