HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Israsaaseyn Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe

Faah faahin kasoo baxeysa Israsaaseyn Maanta ka dhacday Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland iyo dabley hubeysan oo barqanimadii Maanta waxaa ay Israsaaseyn socotay daqiiqado ku dhexmartay Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland. Israsaaseynta ayaa ka dambeysay, kadib markii Taliye ku-xigeenka Booliska Nugaal G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud iyo ilaaladiisa isku dayeen inay qabtaan Nin ku eedeysan inuu ka Ganacsado […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland iyo dabley hubeysan oo barqanimadii Maanta waxaa ay Israsaaseyn socotay daqiiqado ku dhexmartay Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Israsaaseynta ayaa ka dambeysay, kadib markii Taliye ku-xigeenka Booliska Nugaal G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud iyo ilaaladiisa isku dayeen inay qabtaan Nin ku eedeysan inuu ka Ganacsado Khamriga oo ay baadi goobayeen Booliska.

- Advertisement -

Ninka eedeysanaha ayaa la sheegay inuu orad ku galay Xarunta weyn ee Shirkadda Golis ee Garoowe, waxaana halkaas uga daba galay Taliye ku-xigeenka Booliska Nugaal, iyadoo labadooda uu dhexmaray dagaal gacan ka hadal ah oo ay is feereen.

Rag hubeysan oo dusha sare kala socday Ninka ay ku raad-joogeen Booliska ayaa rasaas xoogan ku bilaabay Ciidanka la socday G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud, iyadoona Israsaaseynta daqiiqado socotay kadib, ay goobta ka baxsadeen raggii hubeysnaa.

Ma jiro wax war khasaaro ah oo ka dhashay Israsaaseynta dhexmartay Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal iyo raggii hubeysanaa oo la sheegay inuu watay Ninka lagu eedeeyay inuu Khamriga ka Ganacsado oo ay baadi goobayeen Ciidanka.

- Advertisement -

Ciidanka Maamulka Puntland iyo rag  ka ganacsada Khamriga iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya ayaa waxaa ay dhowr jeer dagaalo kala duwan khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ku dhexmaray degaano ka tirsan Puntland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts