HomeCaalamkaWHO oo Digniin cusub kasoo saartay Nooca Coronavirus ee Omicron

WHO oo Digniin cusub kasoo saartay Nooca Coronavirus ee Omicron

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Nooca coronavirus ee Omicron ayaa dunida ugu faafaya si xowli ah, waxaa sidaas digniin ay soo saartay ku sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Kiisaska noocan aadka u faafa ayaa lagu arkay ilaa 77 dal. Shir jaraa’id oo uu madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus qabtay ayuu ku sheegay inay jiraan dalal kale oo badan oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Nooca coronavirus ee Omicron ayaa dunida ugu faafaya si xowli ah, waxaa sidaas digniin ay soo saartay ku sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Kiisaska noocan aadka u faafa ayaa lagu arkay ilaa 77 dal.

Shir jaraa’id oo uu madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus qabtay ayuu ku sheegay inay jiraan dalal kale oo badan oo aan weli aqoonsan noocan cusub. Dr Tedros ayaa sheegay inuu ka wlaaacsan yahay inaan wax badan la sameyn si wax looga qabto noocan ka mid ah xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

- Advertisement -

“Hubaashii, waxaan haatan ogaannay inaan dhayalsanno fayraskan. Xitaa haddii Omicron uu sababo xanuun yar, tirada kiisaska ayaa mar kale culeys ku keeni doonta waaxaha caafimaadka,” ayuu yiri.

Nooca Omicron ayaa bishii November markii ugu horreysay laga helay Koofur Afrika, dalkaas ayaana kaddib la kulmay koror dhanka tirada dadka uu soo ridanayo ah. Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa laga helay xanuunka Covid-19, waxaana haatan isbitaalka looga daweynayaa calaamadaha xanuunka oo aan sidaas u darneyn.

Tiro dad ah ayaa soo saaray shuruuc lagu mamnuucayo safarka taas oo saameysay Kofur Afrika iyo dalalka deriska la ah kaddib markii laga helay nooca Omicron, balse shuruucda ayaan wax badan ka qaban joojinta inuu noocan ku faafo dunida.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts