HomeCaalamkaDad ku dhintay dagaal ku dhex maray xero qaxooti ururada Xamaas iyo...

Dad ku dhintay dagaal ku dhex maray xero qaxooti ururada Xamaas iyo Fatax

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay isku dhacyo ka dhacay xero ay ku jiraan qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku taal koonfurta Lubnaan ka dib markii tacshiirad lagu furay dad ka qayb galayey aaska xubin ka tirsanayd ururka Xamaas. Ilaa haatan ma cadda waxa sababay iska hor imaadkaa ka dhacay xerada qaxootiga ee Al-Burj Al-Shimaali […]

- Advertisement -

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay isku dhacyo ka dhacay xero ay ku jiraan qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku taal koonfurta Lubnaan ka dib markii tacshiirad lagu furay dad ka qayb galayey aaska xubin ka tirsanayd ururka Xamaas.

Ilaa haatan ma cadda waxa sababay iska hor imaadkaa ka dhacay xerada qaxootiga ee Al-Burj Al-Shimaali ee u dhaw magaalada Suur. Hase yeeshee waxay dad goob joog ahi sheegeen in ay tacshiiradda is weydaarsanayeen dabley kala taabacsan labada urur ee Xamaas iyo Fatax ee Falastiiniyiinta ah.

- Advertisement -

Ururka Xamaas ayaa sheegay in dadka la dilay ay ka mid ahaayeen, waxaanay sidoo kale wararku tibaaxayaan in ay dad badani dhaawacmeen.

Sarkaal ka tirsan ururka Xamaas oo la yidhaa Rafat Al-Murra, ayaa sheegay in qaar ka tirsan ururka Fataxa ay rasaas ku fureen dadkii aasayey qof ku dhintay qarax dhacay habeenkii Jimicihii waxaanu intaa ku daray in lix qof ku dhaawacmeen shaqaaqadaas.

Latest stories